Post View....

KASHIFAAD: Wasiirkii Iska Casilay Xilka Jubbaland Oo Villa Somaliya La Xiriirtay

0
75

Ilo muhiim ah ayaa Badweyn usheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay la xiriirtay Saacado kadib markii uu ku dhawaaqay inuu is casilay Wasiir katirsanaa Maamulka Jubbaland.

Aadan Aw xersi oo ahaa Wasiirkii Qorsheynta Jubbaland ayaa shaqada iska casilay kadib markii uu ka xumaaday soo baxsashadii Wasiir Janan.

Ex Wasiir Aw Xersi ayaa hore ugu farxay in Wasiir Janan ay Dawlada Soomaaliya xirtay taas oo soo baxsashadiisa culeys u arkay sidaana uu Jubbaland iyo howshii uu ka hayey iskaga tegay

Ilo madax banaan ayaa inoo sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay xil uballan qaaday Wasiirkaasi shaqada Jubbaland ka tegay inkastoo Xilka aan la oge.yn loo magacaabayo.

Aw Xersi oo ay isku beel yihiin Madaxweyne Farmaajo ayaa u arka Wasiir Janan shakhsi dembiyo kala duwan ka galay Gobolka uu kasoo jeedo Ee Jubbaland.

Waxaana Wasiirka is casilay Aadan Ibraahim Aw Xersi uu yahay mid aqoon yahan Dhowr luuqadood ku hadla,waxaana jago sare uu ka heli doonaa Wasiir ama Xil kale Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Madaxweyne Farmaajo xubno ka shaqeeya waxay sheegeen in uu jiro xiriir taleefoon oo Madaxweynaha iyo Aw xersi dhexmaray balse aysan faah faahin kale bixin karin.

Dawlada Soomaaliya ayaa u aragta cid walbo oo dhanka Axmed Madoobe kasoo wareegeysa mid muhiim u ah taas oo soo dhaweysaneysa oo dhabar jebin ku sameneysa.

About Author