Post View....

Jubbaland oo sheegtay inay qaarajisay horjooge Sare Al-Shabaab ka tirsanaa+Magaca horjooge

0
56

Jubbaland ayaa waxay sheegtay inay hawlgal qorsheysan ku dishay horjooge ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, ayna hawlgalkaasi ku soo furatay saanad ciidan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, ay Insiintii hawlgalkaasi ka fuliyeen Deegaanka Beerxaani, oo dhaca Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka oo xalay la hadlay Jubbalandtv ayaa tibaaxay in hawlgalkaasi oo ka dhacay aagga Labi-kuus lagu qaarajiyay horjoogihii Al Shabaab u qaabilsanaa aagga Labi-kuus, inkasto aanu magaciisa sheegin.

Afhayeenka ayaa waxa uu tilmaamay in Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay hawlgalkaasi ku soo furteen qori AK47 ahaa iyo saanad kaloo ciidan, sida uu yiri.

Cabdinuur Ibraahim Xuseen, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in hawlgalka looga hortagey weeraro ay qorsheynayeen mintidiinta Al Shabaab.

Hawlgalkan ay sheegatay Jubbaland ayaa ku soo aadaya, xilli deegaanada dhaca Galbeedka Kismaayo ay ka soconayan dagaalo u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo ku murunsan lahaanshiyaha dhuleed.

 

About Author