Post View....

Jubbaland Oo Sheegtay In Uu Isku Soo Dhiibay Nabadoon Caan ah Ka Tirsanaa Alshabaab+Magaca

0
65

Ciidanka ammaanka Degmadda Af-madoow ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegeen in uu isku soo dhiibay Ugaas Maxamed Macallin Muxumed oo loo yaqaan Maadeey oo saameyn ku dhex lahaa Alshabaab.

Ugaas Maxamed Macallin Muxumed ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa odayasha dhaqanka ee ay sameysteen Al-Shabaab,isla markana Oday u ahaa mid ka mid beelaha dega Jubbaland.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in Mudda ah in uu la shaqeynayay Alshabaab, waxaa ay sheegeen in Alshabaab ay ismari waayeen kadibna uu kasoo baxsaday degmadda Jilib laba cisho ka hor, maamulka degmadda Af-Madoow iyo laamaha ammaanka Jubbaland ayuu uga mahadnaqay sida ay u soo dhaweeyeen.

 

About Author