Post View....

Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha oo bilaabay tirakoobka qoysaska Baar Bulsho

0
55

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa saaka bilaabay tiro koobka qoysaska degan Baar Bulsho oo ku dhow Taalada Sayidka ee degmada Hodan,  si meesha looga raro.

Qorshahan oo ay wadaan Guddoomiyaha Hey’adda Marwo Aamina Saciid Cali iyo ku xigeenkeeda Yoonis Alifow ayaa imaanaya ayadoo aysan jirin wax qorshe cad oo u yaala dadka masaakiinta ah ee hoyga u ah goobtaas.

Hay’adaha caalamiga ahaa in badan waxay ka gaabsanayeen muddo badan in dadkaan la raro, laakin ila wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in qorshe iyo kharash raris intaba aan loo hayn dadkan oo ay u nugul yihiin in si qasab looga barakciyo goobta ay dagan yihiin.

Waxaa kaloo jiro in dhawaan Golaha wasiirada ansixiyeen xeerka nidaamiyaha dhul ka rarista dadka kaasoo tibaaxaya in ay mamnuuc tahay in dad barakacayaal meel dagan oo aan qorshe guuris iyo qarashba loo hayn, iyadoo aan dhul la siin laga rarin dhul ay dagan yihiin.

Hase ahaatee waxaa la sheegay in Guddoomiye Aamina ay arrintaas iska indha-tirtay, waxaana saakay shaqaalihii Hay’adda ku amartay in la tira koobo dadka dagan kaamka Sayidka si looga saaro goobta.

Falka rarista ayaa keeni kara barakac hor leh, iyadoo sida laga filaayay Hay’adda ay aheyd inay xaliso dhibta Barakacayaasha, balse aysan hoggaamin qorshe barakacin hor leh.

 

About Author