Post View....

Gudoomiye ku xigeenka degmada Kaxda oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Muqdisho..

0
63

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Kaxda, Cabdinaasir Xasan Cali ayaa ku dhaawacmay Qarax miino oo ka dhacay degmada Dharkinlay ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhashay miinada dhulka lagu aaso, kaas oo la sheegay in lala eegtay gaari uu la socday Gudoomiye ku xigeenka iyo ilaaladiisa, xilli ay marayeen isgoyska Xoosh ee degmada Dharkenley.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa ahaa nooca ay Soomaalida u taqaano Qooqan-ta, waxaana la socday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Kaxda, Cabdinaasir Xasan Cali, Badweyn u xaqiijiyeen Masuuliyiinta degmadaasi

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen labo askari oo ilaalo u ahaa mas’uulkaasi, isaguna uu dhaawac ka soo gaaray.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, gaar ahaan kuwa howlgala degmada Dharkenley ayaa goobta gaaray, kuwaas oo xiray dhaq dhaqaaqyo isgoyska Xoosh ee degmadaasi.

About Author