Post View....

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay waddo 1.5 (Halkiilo iyo bar mitir oo Magaalada ah

0
99

Muqdisho:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay waddo 1.5 (Halkiilo iyo bar mitir) wadadaasi oo isku xirta saldhiga Bari ee degmada Cabdicasiis iyo waddada Mirinaayada sidoo kale wadadaani ayaa hormarta xerada geediidka booliska iyo garoonka kubadda cagta ee Eng Yariisoow.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyada gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir ayaa goob joog ka ahaa daahfurka mashruucani, iyadoo Wadadan uu dhagax dhigay duqa magaalada Muqdisho ay ahey mid aad u burbur saneyd oo isticmaal keeda ay dhibaatooyin kala duwan ku qabeen gaadiidka iyo bulshada.

Waddadan ayaa ka mid ah wadooyinka ugu mashquulka badan ee Caasimadda maadaama ay isticmaalaan bulshada ku wajahan xeebta Liido iyo garoonka Eng Yariisoow.

Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Mahdi faarax Cabdulle ayaa sheegay in bulshada reer Cabdicasiis ay aad ugu faraxsan yihiin dhismaha waddadaani.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay in dhismaha waddadani ay qeyb ka tahay dib u habeynta waddooyinka bur bursan ee caasimadda.

About Author