Post View....

Dowladda Sucuudiga oo jaaliyadda Soomaaliyeed ka cafisay lacagihii horay loogu lahaa

0
69

Jaaliyadaha shan dal ayaa dalka Sucuudiga waxaa uu ka cafiyay lacagtii looga qaadi jiray dal ku galka ama fisah dal ku jagalka kadib markii ay bixiin waayen iyadoo loo qabtay muddo 90 cisho ah in ay uga baxaan dalka oo ka bilaabanaysa bisha February.

Shanta dowladdood ee jaaliyadoodan laga cafiyay daymaha ayaa waxaa ka mid ah Somaaliya,Itoobiya, Ereteriya ,Naajeeriya iyo Jaad iyadoo qunsuliyadaha guud ee wadamadaasi u fadhiyay magaalada jiddah ay si wada jir ah ay kulan ulaa qaateen madaxa xarunta shimees ee maamulka ajaanibka usaama abu milxa iyo madaxa.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka sacuudiga u qaabilsan xarunata shimess al sayid khaliil bin axmed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xaruntaasi ayaa islaa gorfeeyeen intii uu socday

Sida loogu baahan yahay in looga faa’iideysto cafiska lacagaha ee ay ku yaboohaday dowladda Sucuudiga

Masuuliyiinta maamulka xarunta shimees ayaa sheegay in ay ahmiyada balaaran ugu jirto dhamaan jaaliyadaha dalalka laga cafiyay lacagta loona baahan yahay in loo fududeyo safarka dadka dib ugu labanaya dalalkooda.

About Author