Xaaladda deganaasho ayaa caawa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb ka dib labadii habeen ee la soo dhaafay oo ay ku jirtay xaalad dagaal iyo cakirnaan siyaasadeed.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada si buuxda gacanta ugu haya,iyagoo ka awood roonaaday ciidankii Ahlu suna ee magaalada Kula sugnaa,waxaana caawa ammaanka Hoggaanka Ahlu suna sida Sheikh Shaakir iyo Macalin Maxamuud sugaya ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Dhuusamareeb.
Shacabka ayaa si aad ah iskula dhexmaraya isbedelka dhacay iyo siday wax kasta halmar isku badaleen.
Xarunta Inji oo xalay ilaa iyo saakay ay ka dagaalamayeen ciidanka Ahlu suna ayaa caawa Hooy u ah ciidanka Dowladda Federaalka qeybahooda kala duwan,waxaana degan xaaladda guud ee magaalada Dhuusamareeb.
Hoggaanka Ahlu suna ayaa hadda lagu ilaalinayaa guri ku yaalo magaalada Dhuusamareeb,waxaana isku gadaamay ciidamada Dowladda Federaalka.