Warar soo baxay ayaa sheegaya in Diyaarad la doonayey in Sheekh Shaakir iyo madaxda Ahlusuna looga soo qaado magaalada Dhuusamareeb la’ baajiyay.
Madaxda Dawlada Dhexe ayaa la sheegay inay amreen in la keeno Muqdisho Hogaanka Ahlusuna si loo geliyo xabsi guri balse arintaas waxa kasoo horjeystay saraakiisha dowlada haatan katirsan balse hore oga mid ahaa Ahlu Sunna.
Saraakiishaas iyo Odayaasha dhaqanka ayaa arintaas kasoo horjeystay ayagoo sheegay in aan loo qaadi karin magaalada Muqdisho madaama hore ugu xirnaa Xasan Dahir Aweys oo ku beel ah Sheekh Shaakir iyo milkiilaha Ahlu Sunna.
Maanta gelinkii hore ayaa waxa Sheekh Shaakir uu shaaciyey in Hubkooda & Amnigoodaba isku dhiibeen General Mascuud oo hore Ahlusuna uga tirsanaa balse Hadda ah Taliyaha guutada 15aad Ee Xoogga Dalka.
Tani waxay qeyb ka tahay sida la sheegay in awood ballaarin Dawlada Soomaaliya kusameysay Magaalada Dhuuso mareeb.
Isku soo wada duub beesha Ceyr ee kasoo wada jeedaan Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud iyo madax kale arintaas diideyn in Muqdisho la keyno si xabsi guri loo geliyo.