Bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku guuleystay inay demiyan dab xoogan, oo casir liqii galabta ka kacay kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku taala agagaarka Saldhiga Dhuusamareeb.
Dabka oo ahaa mid xoogan ayaa markii hore ka kacay kaalin shidaalka lagu iibiyo, waxaana uu saameeyay goobo kaloo ganacsi oo ku dhow dhow.
Dadka reer Dhuusamareeb ayaa deminta dabka u adeegsaday carro iyo biyo, waxayna taasi keentay inay ka hortaggan in dabka uu khasaaro baahsan gaysto.
Ciidamada Dowladda Somaliya oo goobtaasi ka ag-dhawaa ayaa isu dayayay inay amniga suggaan, kana hortaggaan boob lagula kaco goobaha ganacsiga qaarkood.
Bashiir Nageeye oo ka mid ah dhalinyarada reer Dhuusamareeb ayaa sheegay inaanay magaalada oolin gaadiidka dab demiska, ee lagula tacaalo xaaladaha ceynkani oo kala ah.
Wariye-yaasha ka hawlgala Magaalada Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya illaa iyo hadda inaanan la garanayn waxa sababay dabka ka kacay kaalinta shidaalka.
Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Degmada Dhuusamareeb ayaan wax faah faahin ah ka bixin waxa dhaliyay dabkaasi.