Post View....

Dhageyso:Wasiir Hore Daahir Geelle oo hal qodob ku dhaliiley Madaxda Dowladda & Arimo xasaasi ah…..

0
66

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Siyaasi Daahir Maxamuud Geelle ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku dhaliiley in aysan raali ka aheyn in dadka ay sameystaan maamul ay leeyihiin.

Waxaa uu sheegay Wasiir hore Daahir Geelle,isaga oo Wareysi siinyey Tv-ga universal in Madaxda Dowladda xilligaan awood maamul oo muuqata ka sameyn karin Soomaaliya,isla markaana maamulada qaar ay dowladda weli dacalka heysato.

Waxaa uu tusaalo u soo qaatey doorashadii ka dhacdey Magaalada Dhuusamareeb oo uu sheegay in saamiley farabadan ay isaga hareen,kadib markii ay arkeen sida dowladda u wajaheyso doorashadaas.


About Author