Post View....

Dhageyso:Khilaafka Ka Dhex Taagan Puntland Iyo Wasaaradda Waxbarashadda Oo Xoogeystay

0
65

Waxaa sii xoogeystay Khilaafka ka dhex taagan dowlad goboleedka Puntland iyo Wasaaradda Waxbarashada dowladda Soomaaliya ka dib markii Wasiirka waxbaashadda uu mar kale uu ku celiyay in aan Shihaado la siin doonin Ardayda Puntland ay haddii aysan galin Imtixaanka dowladda.

Wasiirka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marna aysan aqbali doonin in Ardayda Puntland a helaan Shihaado hadii aysan Ogolaan Imtixaan Guud oo laga qaado.

Cabdullaahi Goodax Barre ayaa  tilmaamay in uu Jaamacadaha dalka gudihiisa ku amray , in aysan aqbalin Arday aan gelin Imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada ee heer Federaal, isagoo ku hanjabay in Jaamacaddii amarkaasi jebisa laga qaadi doono tallaabo adag, oo ah in lagala noqdo Aqoonsiga.

Goodax ayaaa sidoo kale si adag ugu jawaabay Senator Faroole oo uu sheegay in uu hor taagan yahay in Puntland ay gasho Imtixaan Mideysan.

Maamulka Puntland ayaa walaac ka muujiyay Tilaabada ay qaaday dowladda dhexe ee Soomaaliya oo sheegay in la siyaasadeeyay Waxbarashada, maadaama Khilaaf guud ee ka dhaxeeyo Puntland iyo dowladda dhexe.


About Author