Post View....

DHAGEYSO:Dowladda Somalia Oo Doorasho Ku Qabananaysa Gobol Al-Shabaab Maamulaan

0
85

Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Doorasho xur iyo xalaal ah ay ku qaban doonaan Degmadda Bu’aale ee Al-Shabaab gacanta ku hayaan.

Cali Yacquub oo kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in Qorshaha Dowladda uu yahay sidii loo xureyn lahaa Goboladda Jubooyinka kadibna halkaas lagu qaban doono doorasho xur iyo xalaal ah.

Waxa uu sheegay in Doorashadii dhawaan ka dhacday Magaaladda kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland ee Madaxweyne Axmed Madoobe lagu doortay ay aheyd sharcidaro,islamarkaana qorshaha dowladda ee haatan uu yahay sidii doorasho xur iyo xalaal ah loo qaban lahaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo fara badan geysay Gobolka gedo ee Koonfur dalka Soomaaliya,waxaana qorshaha dowladda uu yahay sidii loo qaban lahaa Degmooyinka Bu’aalo iyo Jilib oo Shabaab gacanta ku hayaan.

Sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doonaysa in ay meesha ka saarto maamulka Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe), oo sanado fadhiya Magaaladda Kismaayo ee Jubadda Hoose.


About Author