Post View....

DHAGEYSO: Safiirka China Ee Soomaaliya Oo Sheegay in Labo Soomaali Ah Cudurka…

0
57

Safiirka Dalka Shiinaha ujooga Soomaaliya Danjire Qin Jian oo maanta shir jaaa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay Arimo dhowr ah.

Waxa uu sheegay inay ka safaarad ahaan ka warqabaan Xaalada Soomaalida ku dhaqan Dalka Shiinaha.

Safiir Qin Jian ayaa sheegay in Labo qofood oo ka mid ah ardayda Magaalada Wuhan wax ka barta oo Soomaali ah ay baaritaano usameeyeen Caafimaad.

Waxa uu sheegay inay koox gaar ah ay Xarun ka sameysteen meesha ay Soomaalida wax ka bartaan Gobolka Shiinaha ee Cudurka ka dilaacay Bishii December.

Danjire Qin Jian waxa uu qiray in Xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Shiinaha ayna iyagu ka safaarad ahaan ay rabaan inay sii wadaan la socodka Soomaalida Dalka Shiinaha ku dhaqan.

About Author