Post View....

DEG DEG:Yaa ku guuleystay Madaxweynaha maamulka Galmudug oo goordhaw la doortay

0
51

Waxaa goordhaw hoolka Shiirkolle ee xarunta KMG ee Baarlamaanka Galmudug ee magaalada Dhuusomareeb ka dhacday doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa, waxaana kursigan ku tartamayay afar Musharax .

Doorashada ayaa wareega koobaad waxaa ku guuleestay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor)oo helay codad gaaraya 66-cod halka Musharaxiinta kale aysan helin codad ku filan ay ugu gudbi karaan wareega labaad ee Doorashada.

Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa sheegay in wareega koobaad musharaxii hela sadex meelood labo meel uu ku guuleesanayo Doorashada Madaxweynaha oo ay maanta dooranayaan ilaa 77-Xildhibaan.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug waxaa noqday Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo horey loogu saadaalinayay in uu xilkan ku guuleesan doono, waxaana goordhaw la filayaa in Baarlamaanka Galmudug sidoo kale doortaan Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Doorashada kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

About Author