Post View....

DEG DEG:Wasiirka Amniga Jubbaland oo Gordhaw gaarey Degmada Beled-Xaawo

0
53

Wararka laga helayo degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaais uu gaarey Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan oo maalahaan ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa Warbaahinta u sheegay in Wasiirka siweyn loogu soo dhaweeyey degmada Beled-Xaawo,iyada oo la filayo in uu Warbaahinta la hadlo kana hadlo xarigii loo geystay iyo mowqifkiisa arrimaha Jubbaland.

Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa 28-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan 2020 waxaa ay Booliska Soomaaliyeed sheegeen in uu ka baxsadey halkii uu ku xirnaa,waxana intaasi kadib uu tegay Kismaayo,isaga oo uga sii gudbey Magaalada Nairobi.

Shalay ayaa War-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International waxaa ay Dowladda Kenya ka dalbatey in si deg deg a ay u soo xirto Cabdi Rashiid Janaan  kuna wareejiso Dowladda Soomaaliya si loo Maxkamadeeyo.

 

About Author