Post View....

DEG DEG:Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu soo laabtey Kismaayo Kadiib Safarkii Kenya

0
85

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Maanta waxaa uu dib ugu soo laabtey Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Axmed Madoobe ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey Xubno ka tirsan labbada Gole ee dowlad Goboleedka Jubbaland iyo dadwaynaha magaalada Kismaayo.

Axmed Maodobe ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa uu kulamo kala duwan la qaatey Xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo qaar kamid ah Siyaasiyiin aameyn ku leh Soomaaliya.

Xubnihii uu la kulmey ayaa waxaa kamid ahaa Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yukio Yamomoto, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo isna muddoo ku sugnaa halkaas.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta markii uu soo gaarey Magaalada Kismaayo waxaa uu ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kala socda hadalkii uu jeediyey Madaxweynaha Jubbaland halkaan

 

About Author