Post View....

Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo Oo Dad Ay U Dhinteen Hilib Sumaysan Oo Ay Cuneen

0
73

Wararka Idacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso deegaanno ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas ay ku geeriyoodeen dhowr qof oo cunay hilib sumaysan .

Miyiga Degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen 3-kadib markii ay cuneed hilib la sheegay in uu sumaysnaa halka 120 kalena lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad,arrintaan ayaa ka dhalatay sida dadka deegaanku ay sheegeen Neef Geel ah oo Hilibkiisa la cunay.

Dhinaca kalana dadka geeriyooday ayaa isugu jiray Laba Carruur ah iyo Haweeneey,waxaana Isbitaalka yaalla tiro kale oo xaaladdoda caafimaad lala tacaalayo.

Maamulka degmada Luuq ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay Isbitaalka guud ee degmada lakeenay dad badan oo xanuunsan islamarkaana loo sheegay in ay soo cuneen Hilib Suni ku jirto,baaritaanana ay wadaan.

About Author