Post View....

Dagaal laga cabsi qabo inuu ka dhaco Degmada Beled Xaawo & Ciidamo Badan oo Jubbalan……….

0
67

Waxgaradka Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa walaac xoogan ka muujiyay in khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, uu colaad u horseedo bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Ciidamada Dowladda oo hal habeen ka hor la wareegay Degmada Beled Xaawo ayaa waxay ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan, iyadoo xalayna loo geeyay gaadiid fara-badan oo kuwa dagaalka ah.

Ciidamadii Jubbaland ee isaga baxay degmadaasi ayaa la soo sheegaya in ay ku sugan yihiin kastamka canshuuraha ee ku yaala xuduuda Beled Xaawo la wadaagto Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Ciidamada ayaa waxaa la socdo Cabdirashiid Xasan Cabdnuur (Janan), Wasiirka Amniga Jubbaland.

Ciidamadan uu horkacayo Wasiir Janan ayaa waxaa la soo sheegaya in ay wataan in ka badan labaatan gaari oo kuwa dagaalka ah, ayna ku goodiyeen inay la dagaalami doonaan Ciidamada Dowladda.

Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka reer Beled Xaawo ayaa waxay siyaabooyin kala duwan ula kulmayan masuuliyiinta labada dhinac, waxayna u sheegayan in ay joojiyaan wax kasta oo colaad keeni kara.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ciidamada Dowladda lagu amray inaanay wax dagaal ahi qaadi karin, ha yeeshee ay is difaaci karaan, haddii la soo weeraro, balse taasi kuma aanay qancin dhaqanka.

Odayaasha Dhaqanka oo dareensan inaanay wax wanaagsan ka soo socon dhaqdhaqaaqyada is diidan ee gobolka ka jira ayaa labada dhinac ka doonaya in laga wada hadlo wax kasta oo la isku hayo, bedelkii uu gacan ka hadal imaan lahaa. Odayaashu waxay labada dhinacba ka doonayan inaanan la carqaladeen amniga reer Beled Xaawo.

Inkastoo hoggaanka dadka deegaanka ay soo dhawayn iyo marxabaynba u muujiyeen Ciidamada Dowladda, hadana maynaan jecleysan xaaladan cusub, ee ay dowladdu ka oogeyso Degmada Beled Xaawo.

 

About Author