Post View....

Dadka reer Galmudug oo ku kala qaybsamay dhismaha maamulka

0
72

Dadka reer Galmudug ayaa si weyn ugu kala qaybsamay saddexda maamul ee lagu kala dhisay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo ee Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Iyadoo la xusuusto in dadku si weyn ugu jahwareeray hannaankii ay ku kala qaybsameen saamileyda siyaasadda Galmudug ayaa waxaad hadana arkeysaa in ay dhinacyadaasi kala taageerayaan.

Barraha bulshada oo kale waxaad ku arkeysaa farriimaha kala qaybsan ee dadka reer Galmudug ku kala taageerayaan saddexda maamul ee lagu dhisay Gobolada Dhexe.

Bannaanbaxyo lagu taageerayo Madaxweynihii iyo Madaxweyne Kuxigeenkii Axadii lagu soo doortay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka kala dhacay Magaalooyinka Cadaado, Dhuusamareeb iyo Caabudwaaq.

Bannaanbaxa ugu weyn ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Cadaado, halkaasoo ay isugu soo baxeen dadweyne watay Calanka Galmudug iyo sawirada Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid iyo Guddoonka Baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in bannaanbaxyadan ay yihiin kuwo ay soo qaban qaabiyeen shakhsiyaad ku shaqeeya afkaaraha Dowladda Federaalka Somaliya.

Dhuusamareeb waxaa shalay lagu doortay musharaxii ay maal iyo muruqba ku taageertay Dowladda Federaalka, si uu ugu fariisto kursiga ugu sareeya ee looga arrimiyo Maamulka Galmudug.

Bannaanbaxyadan ayaa daba-socdo kuwo horey uga kala dhacay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo, laguna kala taageerayay Doorashadii Madaxtinimada Galmudug ee garabka Ahlu Sunna iyo shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Xaaf, ee ahaa in Gaalkacyo lagu soo dhisi doono maamul ay leeyihiin dadka reer Galmudug.

About Author