Post View....

Ciidamada Danab oo howlgal ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab

0
73

Kismaayo:-Ciidanka kumaandooska XDS ee Danab ayaa dilay horjooge Maxamed Xuseen “Abuu Muxsin” oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanno katirsan Gobolka Jubbada hoose.

Horjooge Abuu Muxsin oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa diyaarinta qaraxyada ay kooxdu ka fuliso Gobolka Jubbada hoose ayaa lagu dilay howl-gallo ka dhacay degaannada Beerxaani, Jannaay Cabdalla ,Kuuba Kibir iyo Birta dheer ee duleedka Kismaayo sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Taliyaha Guutada 16-aad ee Ciidanka Danab G/lle; Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Taliye Ismaaciil C/maalik Maalik, ayaa sidoo kale sheegay in la qabtay horjooge kale oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa dhinaca maaliyadda oo lagu Magacaabo, Cabdi dheere, qasaarana uu kasoo gaaray duqeymo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab.

About Author