Ciidamada ammaanka Puntland ee ka howlgala magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa saakay soo saaray Miino lagu dhex aasay magaalada.
Ciidamada ayaa miinadan ka soo saaray xaafadda Jid-sodonka ee magaalada Boosaaso, halkaas oo la aaminsanyahay in xalay lagu aasay.
Wararka aan ka heleyno Boosaaso ayaa sheegaya in laamaha ammaanka inay ka hortagaan falkaas ay gacan ka siiyeen dadka shacabka ah ee degan xaafadda laga soo saaray waxyaabahaas qarxa, kadib markii ay ku wargeliyeen ciidamada ammanka.
Ciidamada amniga ku guulaystay inay si dhib la aan ah u kala fur-furaan waxyaabahaas qarxa, oo illaa hadda aan lagu guuleysan in gacanta lagu dhigo cidii gelisay goobtaas.
Xaafadda jidka sodonka ee magfaalada Boosaaso ayaa waxa ay ciidamadu ka bilaabeen baaritaano ay ku baacsanayaan ciddii qaraxyadaas gelisay goobta laga soo saaray.