C/samad Maxamed Gallan Wasiirka amniga Puntland ku sugan degaanka Yuube ee gobolka Sanaag ayaa digniin u diray Somaliland, ka dib markii uu sheegay in dhawaan ay weerar kusoo qaadeen degaano ka mid ah Sanaag.
Wasiirka amniga oo la kulmay taliyayaasha ciidamada , lana hadlay ciidamada waxaa uu digniin u diray maamulka Somaliland, isagoo sheegay in dulqaadkii ka dhammaaday Puntland, oo ay haatan diyaar u tahay in ay qaado dagaal
“Wax badan baanu wax xeerinay, wax badan baanu nabadgelyada ilaalinay, wax badan baanu niri xaalada qaboojiya oo dib u dhiga, balse waxaad moodaa inaysan marna waatoobaynin, waxaanu ballanqaadayn aa oo hortiina ka ballanqaadaynaa inay jawaab deg deg ah oo taariikhi ah inay kala kulmaan damaca iyo weerarka ay ku soo qaadeen Jiida aynu joogno” ayuu yiri wasiirka amniga.
Sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa dhankood sheegay in Ciidanka Puntland ay weerar ku hayaan.
Maalintii arbacadii ee toddobaadkan ayaa waxaa dagaal uu ku dhexmaray magaalada Hadaaftimo ciidamada Somaliland iyo Puntland, dagaalkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac