Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Dhuusamareeb iyo guud ahaan Galmudug iney is dejiyaan,islamarkaana la soo afjaray dagaalkii ka socday magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah Maamulka Galmudug.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa qiray in si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada Dhuusamareeb ciidank Dowladda Federaalka,islamarkaana laga adkaaday kooxihii qaska ka waday magaalada lana soo gabagabeeyay.
Xaaladda magaalada ayaa haatan degan,waxaana dib u soo noqday isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga oo labadii maalin ee la soo dhaafay hakad ku jiray dagaalkii ka socday magaalada.
Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa hadda sugaya amniga xarunta INJI oo ay Hoy u ahayd Hoggaanka Ahlu suna oo saacado ka hor isku dhiibay Dowladda Federaalka.
Sheikh Maxamed Shaakir oo saxaafada kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Hubkii iyo ciidankii ururka Ahlu suna ka dib mas’uul ay ka yihiin kuna wareejiyeen ciidanka Dowladda.