Post View....

CC SHAKUUR oo ka digay ‘cuqdad halis ah’ oo ka dhalan karta qabsashada DF ee Gedo

0
68

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hoggaamiyo xisbiga Wadajir ayaa si adag uga hadlay dhaq dhaqaaqyada ciidan oo ay dowladda Soomaaliya ka wado gobolka Gedo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban ku daabacay boggiisa Facebook-ga ayaa sheegay in dowladdu aysan heysanin ciidan la dagaalama kooxda Al-Shabaab iyo sidoo kale kuwa xasiliya deegaanada laga xoreeyo ama laga qabsado.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in taasi bedalkeed ay heyso boqolaal ciidan ah iyo gaadiid dagaal oo ay ku qabsato gobolka Gedo iyo magaalada Dhuusamareeb.

“Dowladda Federaalka ah ciidan Al-Shabaab la dagaala ma hayso, meelaha laga xoreeyo Al-Shabaabna ciidan xasilliya ma hayso, laakiin boqolaal ciidanka iyo gawaarida dagaalka way u haysaa in ay Gedo kaga qabsato Juballand, Dhuusamareeb na Ahlu-Sunna.” ayuu yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda dhexe aysan sideedaba dagaal kula jirin Al-Shabaab, islamarkaana cuqdadaha ka dhasha colaadda ay hurinaysa iyadu ay taageerayaal ka hesho kooxdaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Al-Shabaab labo jeer ayey faa’iideen; waa mar oo dagaal lagulama jiro, marka labaadna cuqdadaha ka dhasha colaadda ay dowladdu hurinayso, waxay ka helayaan taageerayaal badan. Su’aaashu waxay tahay sow xooga dawlada”Al-Shabaab looguma shaqeeyo”. ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey.

About Author