Post View....

BIGNEWS: Sheekh Shaakir Oo Doorashadii Qoor qoor Ka Hadlay & Go’aankiisa Cusub

0
74

Saacado ka hor waxaa la hadal hayey in kulan dhexmaray Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Axmed Cabdi Qoor qoor,iyadoo casir liiqii galabta uu war cusub Sheekh Shaakir Soo saaray.

Madaxweynaha Ahlusuna doorteen Isbuucii Hore Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in uu aqoonsan doonin doorashadii Maalin ka hor ka dhacday Dhuuso mareeb Ee Qoor qoor lagu doortay.

Ilaa shan Qodob ayuu kaga hadlay Qoraalkiisa isagoo tibaaxay in laga been sheegay Beesha Caalamka oo aysan si cad doorashadaas qoor qoor ugu sacba tumin.

Sheekh Shaakir ayaa shaaciyey inay ku dedaali doonaan midnimada Reer Galmudug ay ka shaqeyn doonaan,isagoo digniin udiray Ciidamada uuna sheegay inaysan ku dhex milmin dhinacyada siyaasada isku haya.

About Author