Post View....

Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo dil ka gaystay Muqdisho & Dilaalka lo geysto dhalinyada Mooto Bajaaj oo kordhay

0
57

Wararka aan ka helayno Isgoyska Excontrol Afgooye ee duleedka dhanka Koonfureed Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya Askari ka tirsan Ciidamada dowladda inuu halkaasi ka gaystay dil.

Askarigan ayaa rasaas wuxuu ku furay wiil dhalinyaro ahaa oo watay Mooto Bajaaj, waxaana rasaastaasi ay kaga dhacday wiilka dhalinyarada qaybaha sare ee jirkiisa.

Rasaastii lagu riday wiilkaasi dhalinyarada ah ayaa waxa ay sababtay in durba meesha uu ku geeriyoodo, iyadoo halkaasi uu ka baxsaday askarigii dilka gaystay.

Isgoyska Excontrol Afgooye oo mashquul badan uu ka jiray ayaa maydka waxaa halkaasi ka qaaday dad shacab ah oo u qaaday Xarunta dambi baarista Ciidamada Booliska.

Askarta dowladda ayaa si bareer ah u dila wiilasha dhalinyarada ee ku shaqeysta wadista Mooto Bajaajta.

Dhawr mar ayaa sidan oo kale Isgoyska Excontrol loogu dilay dhalinyaro wadatay Mooto Bajaaj.

 

About Author