Post View....

Arin yaab leh Xildhibaanada Galmudug oo telefanada dansaday & dad badan oo baadi goobaya

0
70

Inta badan xildhibaanada Baarlamanka Galmudug ayaa telefenadooda hawada ka saaray ka dib markii ay dhamaatay codeynta Madaxweynaha iyo madaxaweyne ku-xigeenka cusub ee maamulkaas oo saaka ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

Xildhibaanada oo lacago fara badan ka helay musharaxiinta ku loolamayey doorashada ayaa telefanada ka dansaday dad isugu jira ehelo iyo asxaab kale oo lacago shaxaad ah weydiisanaya.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa ka dhuumanaya qaar ka mid ah Musharaxiintii looga adkaaday doorashadii maanta ka dhacday Dhuusamareeb oo ay lacago ka cuneen.
Musharaxiinta qaarkood ayaa sheegay in xildhibaanadu ay ka qaateen lacago si ay u doortaan balse ay qiyaaneen, Waxaana musharaxiinta lacagaha laga cunay ay u badan yihiin kuwii u tarmayey xilka madaxweyne ku-xigeenka.

Sidoo kale, dad isugu ehelo, asxaab ayaa baadi goobaya xildhibaanada Galmudug, iyagoo ka raadinaya goobo ay ku tuhunsan yihiin sida hotelo iyo guryo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay xildhibaanada Galmudug ayaa lacag xoog leh oo laaluush ah ka cunay qaar ka mid ah musharaxiinta, waxaana inta badan xildhibaanadu ay heleen lacago gaaraya $30 kun oo dollar.

About Author