Post View....

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Hindise-Sharciyeed Muhiim Ah

0
76

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Kulankii 36aad ee Kalfadhiga 6aad ku yeeshay Xaruntooda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.


Kulankan ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi, waxaana ku wehlinayay Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Senatar Moowliid Xuseen Guhaad.

Ajendaha Kulanka ayaa waxaa uu ahaa laba qodob oo kala ah.

1)Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka.
2)Akhrinta 2aad ee Hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka.

Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Senatar Deqa Xasan Xuseen ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 3aad ee Hindise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhoowrka Guud ee Qaranka.

Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye).

Waxaa Ogaalada 25 Senatar, waxaa diiday 4 Senatar, wax ka aamusay majirin.

About Author