Post View....

AFRICOM:Weerarkii Manda Bay waxaa nalooga burburiyay 6 diyaaradood & Sarakiil ciidan

0
60

Taliyaha Taliska Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM, Jeneral Stephan Townsend waxa uu qiray in weerarkii ay Alshabaab bilowgii bishii Janaayo ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka Badda Manda Bay ee dalka Kenya ay ku burburiyeen 6 Diyaarad oo ay Milliteriga Maraykanka lahaayeen.

Jeneral Stephan Townsend waxa uu caddayntaasi  ka hor sheegay mar uu ka jawaabayey Su’aalo ay Guddiga Senedka ugu qaabilsan Hawlaha Milliteriga wax kaga weydiiyeen Khasaarihii Maraykanka ka soo gaaeay weerarki ay Dagaalamayaasha Al Shabaab ay bishii hore 5-da la beegsadeen Saldhigga Manda Bay ee ay Milliteriga Maraykanka iyo kuwa Kenya ku leeyihiin Gobalka Laamu ee Xeybta Kenya.

Taliyaha Taliska AFRICOM waxa kale oo uu xaqiijiyey in weerarkaasi lagu dilay 3 Askar Maraykan ah, oo 2 ka mid ahaayeen Qandaraaslayaal, halka 2 kalena lagu dhaawacay.

Weerarkaasi kadib, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay baahiyeen sawirada Diyaarado ku gubanayey Saldhigga Manda Bay, kuwaasi oo noocoodu kala ahaa Dash 8 ee loo adeegsado Hawlaha Sirdoonka iyo Sahminta iyo Diyaarad kale oo wax lagu basaaso oo noocoodu ahaa ISR oo u diiwaan gashan Taliska Milliteriga Maraykanka ee Hawlgallada Khaaska ee SOCOM.

Dhinaca kale, Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Mark Esper waxa uu sheegay inaan Ciiddankooda laga soo daad-gureyn doonin dalalka Afrika ee ay ka hawlgalaan.

Ilaa 6,000 oo Askar Maraykan ah ayaa haatan ku sugan Dalalka Afrika, oo ay Somalia ka mid tahay.

Dagaalamayaasha Al shabaab ayaa 5 Junuary 2020,weerar la beegsadeen Saldhigga Manda Bay ee ay Milliteriga Maraykanka iyo kuwa Kenya ku leeyihiin Gobalka Laamu ee Xeebta Kenya,halkaas oo lagu dilay Askar iyo qandaraaslayaan.

 

About Author