Post View....

AFRICOM oo duqayn ka fulisay degmada Jilib ee Gobolka Jubba hoose & Hogaamiye sare oo lagu diilay

0
72

Taliska ciidanka Mareykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyn dhinaca cirka ah ay shalay ka fuliyeen Gobolka Jubada dhexe.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in iyaga oo iskaashanaya Ciidamada dowladda Federaalka ah iyo kuwa Mareykanka ay duqeyn ka fuliyeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada hoose.

Weerarkaas Mareykanka waxaa uu sheegay in ay Ku dileen xubin ka mid ah dagaalyahanada Al shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in weerarkaas uusan geysan khasaare soo gaaray dadka rayidka ah ee Ku nool degaanka la duqeeyay.

Sanadkan cusub Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn dhowr ah ka fuliyay tuulooyinka hoostaga magaaalada Jilib.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2019 Mareylanka ayaa sare uqaaday weerarada uu ka fuliyay Soomaaliya,waxaana uu geystay 63 weerar.
AFRICOM ayaa weerarada ugu badan waxa ay ka gaysatay Goboladda Shabeelooyinka iyo Jubba hoose marka loo eego gobolada kale ee dalka.

Halkaan ka aqriso.

About Author