Post View....

Abiy Ahmed oo fashiliyay arimo xasaasi ah oo kusaabsan Shabaab ee ka damacsaneyd Itoobiya

0
60

Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay iney fashiliyeen qorshe Al-shabaab ay doonaysay in weerarro la mid ah kuwa Kenya ay ka fuliso gudaha Itoobiya

Abiy Axmed oo hortagay baarlamaanka dalkaas ayey xildhibaannada golaha weydiiyeen su’aalo badan oo ku saabsan Amniga, Siyaasadda iyo doorashada dalkaasi ka dhici doonta sanadkan gudihiisa.

“Al-shabaab weerarro la mid ah kuwa ay Kenya ka fuliyaan ayey damacsanaayeen iney dalkeena ka fuliyaan, balse diyaargarow xooggan waxaa sameeyey ciidamada deegaanka Soomaalida ee qalabka sida iyo xoogagga kale ammaanka waxayna sameeyeen howlgallo ballaaran oo ay kaga hortageen weerarradii al-shabaab ay damacsanaayeen.” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Itoobiya oo ka jawaabayey su’aal la weydiiyay oo aheyd waxa ay dowladdiisa ka qabatay amniga.

Waxaa uu intaas ku daray iney jiraan xoogag Al-shabaab ka baxsan oo doonaya iney wiiqaan amniga Itoobiya.

“Howlgal lagu hor istaagay tallaabadii ay qaadi lahaayeen, kooxahaas oo gaashanaya kuwa xumaha jecel ee gudaha iyo dibadda, ayaa la qaaday. Ciidamada qalabka sida ee Itoobiya iyo laamaha kale ee ammaanka howla aad u badan ayey qabteen,” ayuu yiri.

Dowladda dhexe ayuu sheegay iney ka go’an iney sidii ay wax weyn uga qaban laheyd amniga iyo xasiloonida gudaha, isagoo xusay in dadaalka dowladdu mira dhal noqon karo oo kaliya marka kaalinta kaga aaddan ay ka soo baxaan qaybaha ay quseyso iyo shacabka guud ahaan.

About Author