Waxaa sii xoogeysanaya Khilaafka Dowladda iyo dhinacyada siyaasadda Galmudug,iyadoo arrintaan keentay Galmudug ay yeelayo saddex Baarlamaan oo iska soo horjeeda.
Ahlu suna oo ka mid ah saamileyda siyaasadeed Galmudug kuwooda ugu tunka weyn ayaa sameysatay Baarlamaan iyo guddi doorasho u gaar ah,sidoo kale,madaxweyne Xaaf ayaa dhankiisa dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka horjeedaha danaha Dowladda Federaalka ee Galmudug ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Galmudug,sidoo kale,waxaa magaalada Dhuusamareeb ka shaqeynaya guddiga doorasho oo taageersan Dowladda Dhexe ee dalka.
Beesha caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay xaalada cakiran ee ka taagan Galmudug,waxayna dhinacyada is haya ugu baaqday iney ka qeyb qaataan hanaanka dhismaha Galmudug kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara xasilooni daro.
Warkan kasoo baxay beesha caalamka ayaa loogu baaqay dhinacyada kala ah gudoonka baarlamanka, musharixiinta, Ahlu Sunna iyo saamileyda siyaasadeed ee ku sugan Gaalkacyo inay siwadajir uga qeyb qaataan doorashadda.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa arrinta Galmudug ku micneeyay jug jug meesha ka joog,waxaana jira xiisad ka dhalatay Khilaafka jira oo laga dareemayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.