Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka naxay qabarka ku aadan baxsashadii Wasiirkii amniga Jubbaland C/rashadiid Janaan uu kaga fakaday Xabsi uu kaga jiray magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo arrintaan ka carooday ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah loo soo qabto Maxbuuska,islamarkaana cadaaladda la horkeeno,wuxuuna sidoo kale madaxweyne Farmaajo amar ku bixiyay in la ciqaabo cid kasta oo ku lug leh baxsashada iyo shaqsiyaadka u fududeeyay.
Inkastoo si dhab ah loo ogeyn halka uu ku dambeeyo Wasiirka,balse war rasmi ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbaland ayaa walaac looga muujiyay halka uu ku dambeeyo Wasiir C/rashiid Janaan oo mudo ku dhow sanad u xirnaa Dowladda,balse shalay ka baxsaday halkii uu ku xirnaa,sida ay sheegtay Zakiya Axmed oo ah taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed
C/rashiid Janan ayaa ku eedeysan dacadiyo ka dhan ah bini-adanimada oo ka dhacay gobolka Gedo,waxaana xarigiisa soo dhoweeyay Hay’adaha Xuquuqul aadanaha.