Taliye Kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed ayaa shalay barteeda Twitter ku shaacisay in Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Janan uu ka baxsaday xabsig ,waxa ayna sheegtay in hey’addaha amniga ay ku raad-joogaan.
Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan ayaa shalay subax ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga, inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay wargaliyaan hadii ay arkaan. #Mogadishu’
Cabdirashiid Janan waxa uu kujiray gacanta hay’adda nabadsugidda Xukuumadda Soomaaliya, waxa uuna ku xirnaa xabsiga Habar Khadiijo oo ay maamusho NISA.
Ilo kudhow hay’adaha Nabadgelyada dowladda Federaalka ayaa inoo sheegay in Warka Taliye kuxigeenka Booliiska Soomaaliya General Zakia ay ku baahisay Twitter ka in uu u muuqdo war si kutalagal ah loo baahiyey.
Waxa ay muujiyeen in aysan suuragal ahayn in xabsiga habar Khadiijo laga baxsado ee waxa suuragalka ah ay yihiin in la fududeeyey baxsashada Cabdirashiid Janan.
Saraakiil horay uga shaqeeyay Hay’adda Nabad sugida ayaa sheegay in warkan ka soo baxay Taliye Zakiye laga damacsan yahay siyaasad guracan,taas oo ku dambeyn doonto meel halisteeda leh.
31 Agosto 2019, ayay aheyd markii Ciidamada Booliska ay ka xireen garoonka diyaaradaha C/rashiid Janan oo ka yimid magaalada Kismaayo, iyadoo la soo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir.