Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay Khadka taleefanka kula hadlay hoggaanka Ahlu suna oo uu ugu horeeyo SHeikh Maxamed Shaakir,isagoona u sheegay iney xaaladda dejiyaan,islamarkaana wax kasta sida ugu macquulsan loo xalin doono.
Xaalad cakirnaan ah ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb,iyadoo ciidamo kala taabacsan Dowladda Federaalka ah iyo Ahlu suna magaalada ay soo buux dhaafiyee,waxaana si aad ah loo adkeeyay xarunta INJ oo uu degan yahay Sheikh Maxamed Shaakir oo shalay Xildhibaanada garabka Ahlu suna madaxweyne u doorteen.
Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku qanciyay Ahlu suna iney tanaasul sameeyaan si loo sii dardar geliyo dhismaha Galmudug oo uu ka harsan yahay kaliya doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa,wuxuuna u sameeyay balan qaad ay ku qanacaan.
Dhismaha maamulka Galmudug ayaa isku bedelay khas iyo fowdo,taas oo caqabad ku ah hanaanka geedi socodka dhismaha Galmudug loo dhan yahay.
Waxaana magaalada Dhuusamareeb ka shaqeynayaa Xildhibaano iska soo horjeeda oo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo Ahlu suna.
Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay Ahlu suna iney tanaasul sameeyaan si loo helo maamul Shacabka Galmudug wada leeyahay.