Prof.Denis J Murphy oo madax ka ah Qeybta ” Genumics and Computational Biology ” ee Jaamacadda ” University of South Wales” ayaa Cilmi baaris uu sameeyay ku yiri: waxaan ogaaday inTimirtu ey Daawo u tahay 9 Cudur, waxaana ugu muhimsan in ey ka hortagto Sunta, Sunta Qofka jirkiisa toos u gasho iyo tan Qofku uu ka qaado Hawada wasakheysan ee uu ku neefsanayo. waxa uu yiri,Hadda Daawada aan siino Qofka jirkiisu sumeeysan yahay waxaan ka sameeynaa Timirta.
Taa Prof.Denis hortii ayaan ogeeyn,oo xadiithkii Rasuulkeena Muxamad SCW ayaa noo sheegay ( Qofkii Subaxdii cuno 7 Xabo oo Timir ah, maalintaa jirkiisu waxa uu ka badbaadaa Sunta iyo Sixirka).
Culuma kale ayaa tiri: Sixirku ma ahan Maado ee waa sheey saameeyn ku leh Caqliga iyo Araga Qofka,Timirtana waxaa ku jiro Maado Caqliga, Xasuusta iyo Araga kobciso.
Prof.Denis waa dadaashay waadna ku Mahadsan tahay. Laakin Cilmi cusub noo ma keenin oo in Timirto ey ka hortagto Sunta 1400 Sanno ka hor ayaa Rasuul Run badini noo sheegay.
Aqristoow, Haddii aad rabto in aad ka badbaado Cuntada aan hadda cunno oo qaarkeed laga heli karo kiimiko Sun ah , Hawada Aduunka ee wasakheysan iyo weliba Duqoowga deg deg ah ee jirka, Dhiiga oo xarkago, unugyada jirka oo aan dhaqsi u korin. Qaado xadiithkaa Rasuulka CSW. waa iga Talo.
Qore:Yahya Amir