Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo khadka Taleefanka kula hadlay Sheikh Maxamed Shaakir oo shalay loo doortay madaxweynaha Galmudug ayaa marka hore xilka cusub ugu hambalyeeyay,isagoona u balan qaaday inuu la shaqeyn doono.
Xaaf oo gadood la fadhiyo magaalada Gaalkacyo ayaa u sheegay Sheikh Maxamed Shaakir inuu la shaqeyn doono,islamarkaana uu ku faraxsan yahay xilka cusub ee loo igmaday.
Sheikh Maxamed oo ah madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa shalay magaalada Dhuusamareeb waxaa ku doortay xildhibaanada Ahlu suna ee qeybta ka ah Baarlamaanka labaad ee Galmudug.
Xaalad aan la saadaali karin halka ay ku dambeyn doonto ayaa ka taagan magaalada Dhuusamareeb,iyadoo guddi doorasho oo is hareera socda ay ka jiraan magaalada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay iney faragelin ba’an ku heyso doorashada Galmudug,taasina waxay dhashay guddiyo doorasho oo is dhinac socda.