Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib mudo todobaad ah oo uu howlo shaqo ugu maqnaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.
RW Kheyre ayaa mudadii uu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb wuxuu kulamo kala duwan la soo qaatay Hoggaanka Ahlu suna,Odayaasha Beelaha dega Galmudug,guddiga doorashooyinka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Galmudug,wuxuuna dhammaantood kala hadlay sidii loo heli lahaa Galmudug loo dhan yahay oo aan wax tabasho ah ka jirin.
Lama oga inuu Kheyre ku soo guuleystay Ujeedka uu u tagay Dhuusamareeb,balse warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya inuusan magaalada ka soo tegin,isagoo lagu qanacsan yahay,waxaana wali taagan tabashada beelaha qaar ay ka qabaan dhismaha Galmudug.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay iney faragelin toos ah ku heyso Galmudug,islamarkaana u madax baneyn Shacabka si ay u dhistaan maamul loo dhan yahay laguna qanacsan yahay.
Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa shalay shaaciyay iney hadda ka dib bilaabaneyso soo xulista Baarlamaanka Labaad ee Galmudug marka laga reebo 20-ka Xildhibaan ee Ahlu suna la siiyay ee gacanta lagu hayo.
Beelaha qaar ayaa sheegay in lagu duudsiiyay xaquuqdoodii Galmudug,waxayna eedeyn dusha kaga rideen Dowladda Federaalka.