Saraakiil ka tirsan Ciidanka Itoobiya oo safar qarsoodi ah ku tegay magaalada Kismaayo ayaa kulan Albaabada u xiran yahay la qaatay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Saraakiishan oo laga soo diray magaalada Jig jiga ayaa socdaalkooda waxaa ku weylinaya xubno ka tirsan Dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya,kuwaas oo ku heyb ah Axmed Maxamed Islaam ” Axmed Madoobe.”
Sida aan xogta ku helnay Saraakiishan Itoobiyan ayaa Axmed Madoobe kala hadlay sidii wada shaqeyn dhow ula yeelan lahaayeen,maadama la Xiisaddii maamulka Jubbaland iyo Itoobiya ka dhaxeyso ka dib markii ciidamo Itoobiyan ah ay faragelin ku sameeyeen doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo ee dib loogu doortay Axmed Madoobe.
Ciidamo Itoobiyan ah oo garab ka helaya Dowladda Federaalka ayaa dhawaan isku dayay iney soo xiraan Axmed Madoobe ka dib markii uu dagaal siyaasadeed adag oo dalal shisheeye ay soo farageliyeen uu dhexmaray isaga iyo Dowladda Federaalka.
Arrintaan ayaa sababtay inuu xumaado xiriirka diblomaasi ee ka dhaxeeyay Kenya iyo Itoobiya oo la kala saftay Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.