Maxaweyne Farmaajo ayaa la xaqiijiyey inuu Asmara u tagay heshiiska tababar ciidamo gaar ah oo uu u adeegsado doorashada 2020-ka.
Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa nala wadaagay xog ku aadan in madaxweyne Farmaajo uu doonayo inuu dhiggiisa Eriteria uu kala hadlay sidii looga caawin lahaa ciidamo gaar ah oo leh tababar heer caalami ah,kuwaas oo ka sahlaya in mar kale uu soo laabto sanadka 2021.
Sooyaalka: Dhammaan doorashooyinkii dhacay 3-dii sano ee uu maamulka hayey waxaa hareeyey musuq iyo qalalaaso!! Tusaalooyinka waa Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Puntland, Jubbaland iyo hadda ay socoto Galmudug.
Waxaa shaki badan hareeyay in maamulka farmaajo uu qaban doono 2021ka doorasho xor iyo xalaal,taas oo wax badan ay isweydiinayaan mucaaradka Dowladda.
Horay waxaa jiray warar sheegaya in Fahad Yaasiin oo ah taliyaha ciidanka NISA uu dhalinyaro ciidan loogu soo tababarayo ka qoranayo magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eriteria halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa dalkaas Asias Afawerki.