Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe Islaam Axmed Madoobe ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq uu dagaal ku gelinayo Jubbaland gaar ahaan goobaha ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.
Sida wararku ay sheegayaan Axmed Madoobe ayaa fadhiga ka kacay wuxuuna qorsheynayaa in sanadkan cusub ee 2020-ka uu ka dhigo sanadkii Al-Shabaab laga xoreyn lahaa deegaanada Jubbaland si shacabka loo gaarsiiyo adeegyada Bulshada.
Axmed Madoobe uu xiran tuutaha ciidanka ayaa shalay booqday furumaha dagaalka ee deegaanada ku dhow magalaada Kismaayo,kuwaas oo dhowaan laga xoreeyay Ururka Al-Shabaab,wuxuuna wacad ku maray iney sii laba jibaari doonaan dagaalka ka dhan ah Ururkaas.
Wuxuu eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Federaalka oo ku tilmaamay iney daacad ka ahayn dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,islamarkaana kaliya ku soo koobantay tacsi iyo iney dhaawacyo wax ku noqday dhagarta Al-Shabaab dibada u qaado.
Maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ka dhaxeeyay Khilaaf adag kaas oo ragaadiyay wada shaqeyntii Labada dhinac xittaa xiisad culus abuuray.