Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Dani ayaa saakay safar dhulka ah uga amba baxay magaalada Garowe ee gobalka Nugaal waxuuna gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.
Saciid Dani ayaa magaalada Boosaaso waxa uu kulan kula qaadan doonaa odayaasha dhaqanka magaalada, gaar ahaan kuwa dhaliilsan xukuumaddiisa, waxuuna kala hadlayaa daminta xiisadda iyo sii uu ugu qanci lahaa inay la shaqeyaan xukuumaddiisa.
Dani ayaa horay waxa uu u xiray odayaal dhaqan kaddib markii ay ka hadleen heshiis ay maamulkiisa la saxiixatay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta.
Maxkamadda derajada koowaad ee Puntland ayaa maalmo ka hor odayaashaas ku xukuntay xabsi seddax bilood ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya $500 ilaa $1,000 dollar ah.
Arrintaan ayaa ku soo aadeysa kaddib markii qaar ka mid odayaasha Puntland ay ka dalbadeen Madaxweyne Dani inuu xaliyo khilaafaadka siyaasadeed ee kala dhaxeeya odayaasha dhaqanka ee magaalada Boosaaso.
Sidoo kale safarka iyo raadinta xalka odayaasha Boosaaso ee madaxweyne Dani ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan Garowe laga dhigay munaasabadda sanad guurada koowaad ee waqtiga xilheyntiisa.