Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah taliyaha Hay’adda NISA ayaa ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowladd goboleedka Galmudug.
Ujeedka safarka Fahad Yaasiin ee Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay iney tahay xalinta Khilaafka ka taagan mid kamid ah kuraasta ay Beesha Waceysle ku leedahay Galmudug,kaas oo cida la siinayo la isku mari la’yahay.
Beesha Waceysle oo 8 Kursi ku leh Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa laga qabtay 7 kamid ah halka midkiii sideedaad ay diidan yihiin inay qabtaan Guddiga Doorashada Galmudug.
Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa mudada uu ku sugan magaalada Dhuusamareeb wuxuu la kulmi doonaa waxgaradka Beesha Waceysle ee kursigooda muranka uu ka taagan yahay,wuxuuna isku dayi doonaa in sida ugu macquulsan u xaliyo khilaafka taagan.
Kursiga dhiman ee Waceysle ayaa waxaa iska leh Lafta Cali-Gaaf, wuxuuna Nabadoonka leh saxiixa soo gudbiyey inuu Cabdinasir Aadan Cusman noqdo Xildhibaankooda.
Balse Guddiga Doorashada Galmudug ayaa laba jeer diiday inay liiska Xildhibaanada ku daraan Cabdinasir Aadan Cusman kadib amar sida la sheegay kasoo baxay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, sida aan xogta ku helnay.
Dhismaha Galmudug ayaa waxaa ragaadiyay khilaaf xooggan oo ka dhashay qaabka loo qeybsaday Xildhibaanada la soo xulay,waxaana eeda ugu badan loo jeediyay Dowladda Federaalka.