Xeer ilaalinta Guud ee Dowlad Goboleedka Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa sirasmi ah u shaacisey waqtiga la xukunka dilka ahaa lagu fulin doono Saddex rag ah oo loo heysto kufsigii iyo dilkii loogu gyestay Gaalkacyo Gabar yar oo 12 jir hayed taa soo lagu Magacaabi jirey Caaisho Ilyaas Aadan.
Saddexda ragga ah oo Maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan ayaa waxaa horaantii Bishii Febaraayo ee sanadkii tegay ee 2019 Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ay fal kufsi iyo dil ah u geysteen Caaisho Ilyaas Aadan oo kamid aheyd dadka ku nool Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Raggan Saddexda ah oo lagu kala Magacaabo C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige ayaa 12-kii Bishii May ee sanadkii tegay ee 2019 waxaa Maxkamadda Gobolka Nugaal ay ku ridey xukun dil ah,iyada oo Maxkamadda Racfaanka ay ku raacday xukunkaas,kadib markii ay racfaan ka qaateen.
Xeer ilaalinta Guud ee Dowlad Goboleedka Puntland waxaa uu sheegay in xukunka dilka ah eeraggaas la fulin doono 11/02/2020 marka ay saacaddu tahay 8:00 subaxnimo, goobta laga fulin doonana ay tahay fagaaro ku yaala Boosaaso.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan wax laga weeydiiyey sababaha loo fulin la’yaay xukunka dilka ah ee Saddex ragga ah,waxaana uu sheegay in taasi ay go’aan ka gaari doonaan maxkamadaha Puntland.