Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay qorshaynayaan weeraro ay ka fuliyaan magaaladda Muqdisho, oo amnigeeda maalmihii dambe soo hagaagayay.
Sida ay sheegeen saraakiiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Al-shabaab ayaa haatan ku mashquulsan fulinta weeraro khasaare dhaliya.
Waxa ay sheegeen in laga hortagay qaraxyo Al-shabaab ay diyaariyeen kuwaasi oo loo qorsheeyay in ay ka dhacaan Magaaladda Muqdisho.
Arintaan ayaa imaanaysa xili xalay ciidamada Dowladda Soomaaliya ay howlgalo kii ugu weynaa ay ka fuliyeen Magaaladda Muqdisho.
Howlgaladda oo ahaa kuwa qorshaysan ayaa ka dhacay Degmooyinka Warta-nabadda, Boondheere, Holwadaag iyo Hodan,waxaana fulinayay Ciidamada booliska ee sida gaarka ah u tabaran.
Intuu howlgalka socday Ciidamadda ayaa qabtay tiro dhalinyaro ahoo lagu tuhmaayo falalka amnidaro ee mararka qaar ka dhaca magaaladda muqdisho.
Laamaha ammaanka Dowladda ayaa gacanta ku haya tiro dhalinyaro Al-Shabaab ah oo dilal qorsheysan ka geystay magaalada Muqdisho kuwaas oo qaar kood la xukumay halka kuwo kale xukun sugeyaal ay yihiin.