Kadib Shir lagu kala kacay oo ka dhacay Magaalada Baardheere Saacado ka hor oo dhexmaray saraakiil ka socotay Dawlada Dhexe iyo Jubbaland ayaa soo baxayaan warar kale.
Ismaaciil Cabdi Qorax oo ah Gudoomiyaha Baardheere dhawaan Jubbaland Umagacowday ayaa ka madax adeegay dalab uga yimid Dawlada Federaalka.
Qorax ayaa la shiray Saraakiil ka timid dhinaca Garbahaareey iyo kuwo ka baxay Muqdisho,sida la sheegayna waxaa laga codsaday inuu taageero Dawlada Dhexe.
Balse Ismaaciil Qorax ayaa sheegay in Jubbaland ay soo magacowday sidaa awgeedna aysan raali ka aheyn qorshaha lala rabo.
Warar ayaa sheegaya in Dawlada Federaalka ay Diyaarad Saanado iyo Hub sida ay Baardheere udireyso si ay Ciidamada Tababarka uga socdo Duleedka Baardheere loogu qalabeeyo.
Ciidankani waxaa la rabaa inay la wareegaan Amaanka guud Ee Degmada Baardheere kana saaraan Al Shabaab Deegaanada Hoos yimaada.
Xitaa Askartani waxay la dagaalami doonaan cid kasta oo lagu maqlo inay Jubbaland xiriir la leedahay,taas oo weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo Baardheere.