Sida ku cad warqad kasoo baxday Gudiga Maamul usameynta Galmudug oo maanta Talaado ah soo baxday waxaa lagu muujiyey Shuruudaha ku hor gudban Murashaxa utaagan Qabashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Loolan Xoog leh ayaa loogu jiraa Kursigaasi,murashaxiin badan oo jeebka loo geliyey dhaqaale ay ku tartamaan ayaana jira.
Gudiga waxay sheegeen in Shan sano Hogaamin Maamul inuu leeyahay ayaa shuruudaha ku jirta Murashax xil doonka ah.
Qofka raba inuu utartamo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug waxaa laga rabaa lacag is diin waan gelin ah 10 Kun Dollar,Kuxigeenka 1aad oo laga rabo 5 Kun Dollar,halka kuxigeenka 2aad laga rabo Labo Kun & Shan Boqol Dollar.
Heer Jaamacadeed inuu gaaray Waxbarashada ama waaya aragnimo udhiganta waa Shuruud kale oo ku jira waxyaabaha la hor dhigay Murashaxa raba Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.