Saraakiishii Al Shabaab ee Isniintii lagu qabtay Deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.
Ciidanka Kumaandooska Danab oo bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta Deegaanka Toora Toorow ayaa hawlgal ay ka sameeyeen waxay ku soo qabteen toban xubnood oo Shabaabka ka tirsan.
Sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta, Ismaaciil Mukhtaar Cumar (Oronjo) waxaa hawlgalka lagu soo qabtay xubno ay ka mid yihiin Garsoorihii Maxkamadda Al Shabaab ee Toora Toorow, Macalin Abuukar iyo Madaxii Zakaawaat Al Shabaab ee Toora Toorow.
Afhayeenka oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in raggaasi oo lala soo qabtay maleeshiyaad kale oo sideed nin gaaraya in loo soo qaaday Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Macalin Abuukar uu ahaa ninkii ugu sareeyay xukunada cadaalad-darrada, ee ay Shabaabka ku ridayaan sida uu yiri shacabka Soomaaliyeed.
Mar uu ka hadlayay nooca uu ahaa hawlgalkii lagu xoreeyay Toora Toorow ayuu sheegay inuu ahaa mid la soo qorsheeyay, isla-markaana aanay ka warqabin buu yiri maleeshiyada argagixisada ee Al Shabaab.
Ismaaciil Oranjo ayaa waxaa uu tibaaxay in Toora Toorow oo ah dhul istiraatiiji ah, ay al Shabaab ka soo abaabuli jirtay qaraxyada, ee ay dalka ka gaysanayan.
“Toora Toorow waxaa weeye dhul istiraatiiji ah oo Al Shabaab ay qaraxyada ay dalka ka gaystaan ay ka maleygi jireen. Marka waa meel aad u muhiim ah.” Ayuu yiri Ismaaciil Oranjo.
Waxa uu intaa ku daray inaanay Ciidanka Danab ka soo bixi doonin Deegaanka Toora Toorow, haddii ay taasi ballanqaadeen Ciidanka Danab iyo Dowladda Federaalkaba.
“Waxay Danab iyo Dowladda Soomaaliyeedba ay ballanqaadeen inaanan dib looga soo laaban doonin hadda ka dib deegaan ay ciidamadu qabsadeen.” Ayuu yiri Ismaaciil Oranjo.
Oronjo ayaa yiri “Toora Toorow hadda waxay ahayd meel dadka Soomaaliyeed laga dhibaateen jiray, ciidamada waana sidii ay shalay ula wareegeen. Waxaana la gayn doonnaa maamulkii, noloshii deegaankana waala soo celin doonnaa.”