Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo wata gaadiid dagaal ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,halkaas oo uu maalmo ka hor gaaray madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Ciidanka gaaray maagalada Gaalkacyo ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidanka 21-aad ee Xoogga dalka Gen: C/Casiis C/Laahi Cabdi “Qooje”,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in taliyaha lagu amray inuu la wareego Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo si uusan magaalada uga bixin Xaaf oo doonayay inuu u ambabaxo magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Wararka qaar ayaa sheegaya in gawaari dagaal oo dheeraad ah ay ku sii jeedaan magaalada Gaalkacyo si ay u adkeeyaan amniga magaalada.
Amarka ay ciidanka ku gaareen magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa bixiyay R/wasaare Kheyre,waxaana tallaabadan uu qaaday Kheyre sii adkeyneysaa isku soo dhowaanshaha Beelaha dega Galmudug guud ahaan, gaar ahaan Dowladda iyo Beelaha Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa magaalada Gaalkacyo ka wada qorshe uu ku majaxaabinayo dhismaha maamulka Galmudug oo garwadeynka ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.